|
Rageh Omaar: Somalia waxaa heysa maamul xumo
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Raage Omaar, oo ka mida suxufiyiinta Soomaalida ee caanka ah ayaa waraysi u siiyay Laanta afka Soomaaliga ee BBC- da waxa
uu kaga waramay arimo badan oo ay ka mid yihiin waxyaabihii saldhiga u ahaa in uu horumar ka gaadho xirfadiisa saaxafadda
iyo nolasha kalaba.
Raage, waxa uu sheegay in dagaalkii Iraaq uu ahaa midkii ay dunidu sida aadka ah ugu baratay xirfadiisa saxaafadeed magaciisana sare u qadaay, laakiise waxa a kaloo sheega in xiriir uu la lahaa dalka iyo dadka reer Iraq uu ka horeeyay dagaalkaa si fiicana uu u barty taariikhdooda iyo afkooda, waxaa kale uu itaasi sii raaciya in Soomaalinimadiisu ay caawisay meeshana ay ka saartay shaki laga yaabo in dadka reer Iraq ay ka qabi lahaayen.
Raage Omaar waxa u ka hadlay xaalada ay maanta somaliya ku jirto taasi oo uu ku sheegay in ay tahay wax laga xumaado. Lakiinse waxaa uu sal uga dhigay dhibaatada somaliya in ay tahay madaxnimo la'aan Somalia waxa ay tusaale u noqotay buu yiri marka ay duninidu ka hadlayso wadamo khasaaray taas oo ay Somalia tahay meesha kaliya ee saxaafada aduunku ay tusaalahasi ku cabirto. Raage Omaar, waxa kale oo u dib u milicsaday waraaq uu qoray xiliigii uu bilaamay dagaalkii u dhaxeeyay maxkabadihii Islaaamka ee gacanta ku hayay magaalada Muqdisho iyo DKM ee Somalia oo ay taageerayeen ciidamada wadanka Ethiopia. Waraaqdaasi waxa uu kaga digay in hadii ciidamada wadanka Ethiopia ay galaan wadanka Somalai ay kadhici doonto dhibaato xun dunida inteeda kalana ay dhibaatadaas ka sheekayn doonto xilli ay xeero iyo fandhaal kala dhaceen. |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||