|
Magaalada Guri Ceel oo laga barakacayo
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
Qaar ka mid ah ciidamada ka soo horjeeda joogitaanka ciidamada Ethiopia ee gudaha Soomaaliya iyo dowladda KMG ahba ayaa xalay
weerar ku qaaday halkii ay degeen ciidamadaasi Ethiopia ee magaalada Guri Ceel, iyadoo ciidamada Ethiopia-na ay rasaas xoog
leh uga jawaabeen weerarkaasi.
Haddaba, xalay ilaa maanta ayaa waxaa magaaladaasi ka socda barakac ay dadku kaga cararayaan in dushooda ay ku dagaallamaan ciidamadaasi Ethiopia iyo kooxaha ka soo horjeeda, waxaana amuurtan walaac ka muujinaya qaar ka mid ah hay'adaha u dooda xuquuqda aadanaha. Ilaa iyo hadda waxaa la soo sheegay in duqeynta ciidamada Ethiopia ee magaalada Guri Ceel ay ku dhinteen hooyo iyo labo carruur ah oo ay dhashay. |
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||