BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
28 Juun, 2008, 12:58 GMT; 15:58 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Weerar ka dhacay degmada Xuddur
 

 
 
Maleeshiyooyinka ka soo horjeeda joogitaanka ciidamada Ethiopia ee gudaha Soomaaliya iyo dowladda KMG ah ee Soomaaliya
Weerarka saaka ka dhacay Xuddu ayaa waxa uu ahaa mid kedis ah
Weerarkan oo dhacay saaka ayey ciidamada ka soo horjeeda joogitaanka ciidamada Ethiopia ee gudaha Soomaaliya iyo siyaasadda dowladda KMG ah waxay ku bartilaameedsadeen masuuliyiinta gobolka iyo kuwa degmada.

Wararku waxay sheegayaan in weerarkaasi ay ku dhaawacmeen duqii magaalada iyo qaar ka mid ah ilaaladiisii, kuwaasoo hadda lagu daweynayo isbitaalka magaalada.

Warku wuxuu intaasi ku darayaa in guddoomiyihii gobolkuna uu lug uga baxsaday gurigiisii kaddib markii uu ka war helay weerarka, hase yeeshee ciidamadii weerarka ku qaaday degmada ay kala hareen baabuurtiisii.

Waxaa kaloo la sheegayaa in ciidamadaasi weerarka ku qaaday degmada Xuddur ay magaalada ka qaateen baabuur ka hor intii aanay magaalada isaga bixin.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin