|
 |
|
| Hassan Aadan Samatar waxa uu marti u noqday Falanqeynta |
Heesaaga caanka ah ee Soomaaliyeed Xasan Aadan Samatar ayaa marti u noqday barnaamijka Falanqeynta jimcaha ee BBC oo dadka
su'aalo fankiisa ku saabsan uga jawaabay.
Hassan Aadan Samatar oo ka mid ah fannaaniinta ugu weyn Somalia, waxa uu ku dhashay magaalada Diinsoor ee gobolka Bay, waxaana
muddo dheer uu ku soo jiray fanka Somalia, isagoo qeyb libaax leh ka qaatay fanka Somalia, Xasan Aadan waxa uu ka jawaabay
su'aalo badan oo dhageystayaasha BBC ay si toos ah u weydiiyeen.
 |
|
| Hassan Aadan iyo Yusuf Garaad oo Fadhiya Istuudiyaha BBC |
Su'aalahaasi oo intooda badan ku saabsanaa taariikhdiisii fanneed ayaa Xasan Aadan waxa uu uga jawaabay dhageystayaasha isagoo
qaarkood si toos ah ugu qaaday qaar ka mid ah heesaha faraha badan ee uu qaado fanaanka oo ay ka codsadeen dhageystayaashu.
|