|
MSF oo ka digtay xaalada Caafimaad
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
MSF oo maanta shir jaraaid oo ay ku qabatay magaalada Nairobi uga warbixineysay masiibada binaadannimo ee somalya ka jirta
ayaa waxay intaasi ku dartay in bishii may ee lasoo dhaafay oo kaliya ay xarumahooda ku daweeyeen caruur gaaraya ialaa 2500
oo ku sugan deegaanka Xaawo Cabdi iyo Afgooye kuwaasi oo la ildarnaa nafaqo daro, ka dib markii ay ka soo qaxeen Magaalda
Mugadisho dagaalada ka socda darteed.
Hay'addu waxa ay xustay, in xaaladda biniaadamnimo ee Somalia ka sii dareyso marba marka ka danbeysa iyadoo labadii bilood ee la soo dhaafay ay labo jibaarantay tirada dadka ka soo qaxay dagaalada ka socda meelo kala duwan ee Soomaaliya oo ku soo qulqulaya meelaha ay u maleynayaan in ay gar gaar ka helayaan. Maamulaha hay'adda MSF ee Geneva Bruno Jochum ayaa waxa uu shaaca ka qaaday, in waddanka Somaaliya ay ka jirto musiibo bini'aadaminimo waqtigaan xaadirka ah ee aysan xaaladdu ahayn mid soo socota. Hay'addu waxa ay sheegtay intodobaadkii lasoo dhaafay oo kaliya in ay in ka badan 500 oo caruur oo la ildaran macluul awgeed la keenay xarumahooda caafimaadka, kuwaasi oo lixdii ilmoodba midkood u baahanyahay in laga daweeyo cuduro kala duduwan Haya'ddu waxay intaasi raacisay inInta u dhaxeysa magaalooyinka Afgooye iyo Mugadishu oo kaliya ay ku noolyihiin dad tiradoodu kor u dhaafeyso 250.000, kuwaasi oo ku nool xaalad isdulsaar ah oo ciriiri ah. Hay'adda MSF ayaa warbixinteeda waxa ay ku soo gaba gebeysay in laba sano ka dib markii beesha caalamku ay qaadeen talaabo milateri oo sida ay sheegeen lagu doonayey in xaalad caadi laga dhigo, lagulana dagaalo aragagagixisada ayaa haatan xaaladdu waxa ay tahay mid marba marka ka danbeysa ka sii daraysa. Haya'addu waxay sheegtay in dagaalda ka socda magaalada Mugadishu ay sababaan in dad badan oo rayad ahi ay wax ku noqdaan. Tan iyo bilowgii sanadkaan ayaa hay'adda sheegtay in ay ku daweeyeen isbitaalka Dayniile oo kaliya dad tiradoodu ay gaareyso 2100 qof, kuwaasi oo ay ku dhaceen xabado iyo waxyaabaha qarxa. Dadkaasina ay u badanyihiin caruur iyo haween. Hay'adda MSF waxay ugu baaqday dhinacyada siyaasadda in ay ogolaadaan in gargaarka lagaarsiiyo dadka u baahan lana dhowro shaqaalaha gargaarka.
Madaxa mashruuca ay hay'ada MSF ka waddo Afgooye iyo Xaawa Cabdi, Faisal Abdulqaadir Xussein, oo hadda jooga magaalada Nairobi, ayaa weriyaha BBC-da Maxamuud Cali Maxamed uga waramay dhibaatada haysata dadka barakacay ee degan agagaarka Xaawo Cabdi iyo degmada Afgooye. |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||