BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
25 Juun, 2008, 19:20 GMT; 22:20 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Safiirka Djibouti ee Golaha Ammaanka
 
Golaha amaanka ee qaramada midoobay
Golaha amaanka ee qaramada midoobay
Safiirka Djibouti u fadhiya Qaramada Midoobay, Rooble Colhaye, ayaa BBC-da uga waramay sababaha Golaha Ammaanka ee Qamada Midoobay uu guddi xaqiiqo raadis ah ugu diray xadka dalalka Djibouti iyo Eritrea.

Sida laga warqabo dhowaan ayaa labada dal uu dagaal ku dhexmaray xadka ay wadaagaan kadib markii Djibouti ay ku eedaysay Eritrea in ay ciidamadeeda ku soo xadgudbeen dhulkooda, Eritrea ay eedahaas ka beenisay.

Wuxuu safiirka Djibouti ee QM sheegay in ururo dhowr ah oo soo eegay xaaladda xadka ay xaqiijiyeen doodda ay Djibouti soo bandhigtay ee ku aadanayd in Eritrea ay ku soo gardarootay xadka dalka Djibouti.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin