BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
25 Juun, 2008, 18:48 GMT; 21:48 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Waraysi lala yeeshay afhayeenka AU
 
Ciidamada Midowga Africa
Ciidamada Midowga Africa
Afhayeenka Midowga Africa, ayaa sheegay in loo baahnaa in midowga africa uu ciidamo xoog leh dhulka ku heysano, arrintaas oo in muddo ahba caqbad ku aheyd meel marinta waajibaadkayaga, ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray in hadda waxay heyaan ay tahay seddex dal ciidama ku yaboohaya howlgalka, "sida aad xusuusan tahay markii Ururka Midowga Afrika uu go'aansaday in uu ciidamo soo diray dhowr dal ayaa ciidamo yaboohay oo ay ku jiraan Nigeria,Ghana, Malawi iyo Tanzania, in kasta oo tansaaniya sida aan fahansananay ay mardabe sheegtay in ay ka qeyb qaadaneyso xagga tababarka ciidamada Soomaalida iyo Yuganda oo hogaanka ah." ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in hadda seddex dal ay ka qeyb qaadanayaan howlgalka Soomaliya taas oo howlgalka ka dhigi doonta buu yiri mid ka caalamisan sida uu hadda yahay.

Mar la weydiiyay go'aanka lagu keenayo ciidamada Najiriya iyo tiradda ay noqon karaan iyo howshooda, ayaa waxaa uu afhayeenku ku jawaabay.

"Go'aanka Nigeria ay ciidanka ku keeneyso iyo tiradda ay keeneyso qeyb kama aha anagi waanibaadkeena, taasi kuligeed waxaa go'aan ka qaadanaya tiradda ciidamada ay soo dirayaan xukuumadda Nigeria. Waxayna howshooda qeyb ka noqon doontaa waaajibaadka Amison ee Soomaaliyia jooga, waxayna sameynayaa howlaha ay horey u wadeen ciidamada Amisan ee hadda dhulka Jooga oo ay Ururka Midoga Afrika ay u xadideen waajibaad ay in ay ciidamadu fududeeyaan, abuuraana jawi ay dadka soomaalida ku wadahadli karaan oo ay ku yeeshaan wadahadalo nabadeed taasi waa waajibaadka kowaad, Waajibaadka labaadna waxaa weeye in la difaaco hay'adda federaaliga ee Soomaaliya, waajibaadka kale waxaa weeye in aan gacan ka geysano xagga gargaarka aadaniminada ilaalinana gargaarka. Dalkii ciidamo u soo dira howlgalka Soomaaliya, waxay uun qabanayaan howsha waajibaadkaa ku cad."

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin