|
 |
|
| UNHCR waxa laga afduubay sarkaalkii madaxda u ahaa hawgallada |
Qaramada Midoobay hay'adda u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR, ayaa xustay in ay ka fiirsanayso howlaha ay ka waddo Somalia,
kadib markii madaxii howlgalada ee hay'addaasi la afduubay.
Afhayeen u hadlay UNHCR, Millicent Mutli, ayaa horay u sheegay in afduubka uu halis ku yahay howlaha mustaqbalka ay hay'addu
ka fulin doonto waddanka Somalia.
Sabtidii ayaa koox dabley ah waxay toogasho ku dileen Maxamed Xasan Kulmiye oo ahaa sarkaal ka tirsanaa hey'adda CRD.
Kooxo dabley ah ayaa waxa wali heystaan afar qof oo ajnabi ah iyo qof Somali ah oo la afduubay bilihii April iyo May ee sanadkan,
kuwaasi oo aan la ogeyn xaaladdooda iyo halka ay ku sugan yihiin.
|