BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
19 Juun, 2008, 21:52 GMT; 00:52 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Xaaladda bani'aadannimo oo sii xumaaneysa
 

 
 
carruur soo barakacay
carruur soo barakacay
Wakaaladda Mareykanka ah ee USAID ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in dagaallada, abaaraha iyo sicir-bararku ay uga sii dareen xaaladda bani'aadannimo ee dalka Soomaaliya.

Dhibaatada ugu badan ayaa waxay tahay dagaallada ka socda magaalada Muqdisho, kuwaas oo sababay barakac ballaaran iyo macluul baahsan.

Dadka barakacay oo ku xoonsan xeryo ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxaa halkaas uga daba tagay roobab iyo fatahaado qaaday guryihii iyo aqalladii carshaanta ahaa ee ay sameysteen.

Dad tiradoodu ku dhowday 2.6 milyan oo qof ayaa la sheegayaa inay imminka halis ugu jiraan macluul, oo ay qarka u saaran yihiin inay gaajo u geeriyoodaan.

Arrimahan oo dhan dabcan waxay salka ku hayaan colaadda ka aloosan Soomaaliya muddo 20 sano ku dhow. Qaramada Midoobay ayaa heshiis ka dhex keentay dhinacyada is haya, toddobaadkii lasoo dhaafay.

Heshiiskaas ayaa qoraya in ciidanka Itoobiya ay dalka ka baxaan, balse marka hore la helo ciidamo caalami ah.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin