|
Waa sidee xaalka Muqdisho?
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Maalin kaddib markii dagaallo khasaare badan geystay ay ka dhaceen Muqdisho, ayaa degganaansho la dareemay maanta. Laakiin
dhowr madfac ayaa haleelay isbitaalka SOS.
Degmada Huriwaa oo ah meeshii ugu darneyd ee uu dagaalku ka dhacay shalay, ayaa dagganeyd inta badan maanta. Ciidanka Itoobiyaanka ayaa dibu ugu laabtay Warshaddii Baastada, halkaas oo ah meeshii ay kasoo duuleen. Xaaladda guud ee caasimadda ayaa dagganeyd maanta, inkastoo ay dhowr madfac oo ay soo rideen ciidanka Itoobiya ay ku dhaceen isbitaalka SOS. Ma cadda khasaaraha ay madaafiicdaas geysteen. Sidoo kale, ciidamada oo saakay kusoo faafay xaafadaha qaar, ayaa markii dambe dib ugu laabtay saldhigyadooda, iyadoo aysan jirin wax iska caabbin ah oo ay la kulmeen. Dagaalka shalay ka dhacay degmada Huriwaa ayaa saameyn weyn ku yeeshay dahqdhaqaaqa ganacsi ee xaafaddaas. Suuqa Huriwaa ayaa shalay xirmay, inkastoo uu maanta dib u furmay. |
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||