|
Maalinta carruurta qaaradda Africa
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Iyadoo ay maanta tahay maalinta carruurta Africa 16-ka June ayaa waxa meelo badan oo ka mid qaaradda Africa iyo Soomaaliyaba
laga xusay munaasabada maalinta carruurta Africa.
Haddaba, ka sokow saameynta tooska ah ee dagaalladu ka soconaya Somalia ay ku yeesheen carruurta Soomaaliyeed, waxaa haddana jira in carruurta ku nool deegaanada u dhaw webiyada Jubba iyo Shabelle uu fara ba'an ku hayo cudurka kaadi Dhiiga. Carruurtaasoi Soomaaliyeed ayaan inta badan helin ka hortagga iyo xanaaneynta la xiriirta sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka cudurkaasi ku hayo caruurta. Weriyaha BBC Maxamed Ibraahim Macalimu oo dhawaan booqday deegaano u dhaw webiga Shabelle ayaa warbixin ku saabsan dhibaatada cudurkaasi ka diyaariyay, isagoo ka waraystay qatarta cudurka kaadi dhiigga dhaqaatiir Soomaaliyeed. |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||