BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
09 Juun, 2008, 17:41 GMT; 20:41 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Bangi cusub oo Islaami ah oo laga furay Kenya
 

 
 
nathif
Nathif Jaamac Aadan waa agaasimaha bangiga cusub ee Islaamiga
Magaalada Nairobi ee waddanka Kenya ayaa xaflad balaaran oo dhawaan lagu qabtay hotelka weyn ee Hilton, waxaa shaaca looga qaaday furitaanka Bangi Islaami oo cusub.

Bangigan cusub ee Islaamiga ah oo ay leeyihiin ganacsato ka mid ah muslimiinta ku nool waddanka Kenya, ayaa waxa uu wax weyn ka tari doonnaa hawlaha ganacsiga ee dadka Muslimiinta ee ku dhaqan Kenya.

Nathif Jaamac Aadan oo ah Agaasimaha bangigaasi, muddo badana ka soo shaqeeyay bangiyada Islaamka ee ku yaal wadamada Khaliijka, ayaa BBC uga waramay maalgashiga bangigaasi iyo ujeeddooyinka ay ka leeyihiin.

Agaasimuhu waxa uu sheegay in loo oggolaaday oo ay ku hawlgeli doonaan lacag dhan hal bilyan oo Shillinka Kenya ah, taasi oo uu sheegay in ay intooda badan heleen oo loo soo shubay hadda.

bangi
Bangiga Islaamiga ah ee First Community Bank

Bangigan cusub oo la yiraahdo First Community Bank, ayaa Nathif Jaamac waxa uu sheegay in isagu uu lahaa fikradda bangi Islaam ah, oo sida uu sheegay ujeedadiisu ahayd in muslimiinta Kenya laga xoreeyo ribada.

Mar wax laga weydiiyay halka ay ka keenayaan lacagaha, ayaa waxaa uu Agaasimuhu sheegay in lacagaha ay yihiin kuwo xalaal ah, oo ay dhamaan dadka saamiga ku leh yihiin dad muslimiin ah.

 
 
WARARKA LA XIRIIRA
Barnaamijka Ganacsiga
04 Juun, 2008 | Wararka
Barnaamijka Ganacsiga
03 Juun, 2008 | Wararka
Ka ganacsiga shidaalka ee Bariga Africa
27 Maarso, 2008 | Wararka
Ganacsiga Kalluunka
19 Maarso, 2008 | Wararka
Ganacsiga magaalada Gaalkacyo
14 Maarso, 2008 | Wararka
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin