|
Barnaamijka Ganacsiga
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Tan iyo sanadkii hore waxaa dhaqaalaha aduunka saamen weyn ku yeeshay arin ka bilaabatay Maraykanka oo ay bangiyada reer
galbeedka maal galiyeen daymo guryo ay ku iibsadeen dadka maraykanka oo dhaqaalo badan aan soo galin.
Deymahaas markii ay guryaha ku gadanayeen dadka waxaa yaraa dulsaarkooda mudo sadexsano ama labo sano ah. Markii mudadii dhamaatay ayaa dulsaarkii daynta batay, kadibna dadkii guryaha daynta ku qaatay way bixin waayeen. Taas waxay keentay in bangiyada aduunka ay lacag badan dhumiyeen maadaama ay maal galiyeen daymahan . Guryihii ay dadka iska bixin waayeen oo dhan ayaa suuqii bangiyada si raqiis ah ugu iibinayaan, taasna waxay kleentay in guryihii maraykanka iyo wadamada reer galbeedka ay hoos u dhacaan ,sidaas darteed na uu dhaqaalihii aduunka hoos ugu dhaco. Maadaama ay guryaha yihiin waxa ugu qiimaha badan ee uu qofku leeyahay. Waxay kaloo arintan keentay in ban giyadii ay adkeeyeen daymihii ay dadka iyo ganacsatada siin jireen taas oo keenaysa in dadkii shaqo laaan ku dhacdo,waxna la iibsan waayo Hadaba Maxamud Haji Hassan oo ka tirsan shirkada guryaha iibisa ee Long and Foster ayay BBC ka wareysatay ganacsiga guryaha Mareykanka iyo sida Soomaalida ay u gataan guryahaasi. Labadii sano ee u dabaysana Maxamuud waxa uu ku guulaystay Abaalmarinta la siiyo dadka guryaha ugu badan iibiya ee wadanka marykanka. Waxaana uu wax ka weydiiyay sababaha keenay hoos udhacan ku yimid qiimaha Guryaha ee wadanka maraykanka.? |
WARARKA LA XIRIIRA
Dhibaatada sicirka cuntada oo sii kordheysa23 Abriil, 2008 | Wararka
Dibed baxyo ka dhacay caalamka oo la xiriira cuntada 23 Abriil, 2008 | Wararka
Sicir barar saameeyay cuntada iyo xoolaha09 Abriil, 2008 | Wararka
Ka ganacsiga shidaalka ee Bariga Africa27 Maarso, 2008 | Wararka
Ganacsiga Kalluunka19 Maarso, 2008 | Wararka
Ganacsiga magaalada Gaalkacyo14 Maarso, 2008 | Wararka
Barnaamijka Ganacsiga: Sicir bararka cuntada 12 Maarso, 2008 | Wararka
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||