http://www.bbcsomali.com

13 May, 2008, 15:00 GMT; 18:00 SGA

Yusuf Garaad Omar
BBC London

Indha Cadde: Dan uma aha shacabka

Xoghayaha difaaca ee Isbahaysiga dib u xoraynta Soomaaliya, Yuusuf Siyaad Indha-cadde, oo BBC-da la soo xiriiray isagoo jooga Soomaaliya, ayaa waxaa uu sheegay in ay cabasho ka qabaan, shirka DJibuuti.

Wareysiga Indha cadde

Shirka ka socda dalka Djibouti oo lagu dhexdhexaadinayo, dowladda ku meelgaarka ah iyo mucaaradka ka soo horjeeda, ayuu Shiikhu sheegay in uu yahay mid aanay war ka heyn.

Shiikh Yuusf Indha cadde waxa uu sheegay in shirkaasi aan lala socod siin, isla mar ahaantaana, uu u arko mid aan dan u ahayn shacabka Soomaaliyeed.

Yuusuf Indha Cadde waxa uu sheegay in shirka Djibouti uu yahay mid kala jabinayo halganka ay ku jiraan.

Xoghayaha difaaca ee Isbahaysiga dib u xoraynta Soomaaliya waxa uu sheegay in aysan jirin wax wada hadal ah oo ay la galayaan dowladda inta ay ciidamada Ethiopia ku sugan yihiin Somalia.