12 May, 2008, 17:47 GMT; 20:47 SGA
Yusuf Hassan
BBC Djibouti
Wada hadalkii Dowladda KMG ah ee Somalia iyo Isbahaysiga Dib U xoreynta ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Djibouti.
Shirka oo ay sidoo kale ka qeybgalayaan diblomaasiyiin, mas'uuliyiin ka socota ururada Midowga Africa, Jaamicadda Carabta iyo Qaramada Midoobay ayaa waxaa ka hadlay mas'uuliyiinta ka kala socotay dhinacyada dowladda iyo mucaaradka oo labaduba ka hadlay sida ay u doonayaan in xal loogu helo dhibaatada Somalia.
Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia Ahmedou Ould Abdalla ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in labada dhinac ay isa soo horfariisteen, iyadoo ay tiro kooban ka socdaan dhinac walba.