09 May, 2008, 10:35 GMT; 13:35 SGA
Kooxaha la dagaallamaya ciidamada Ethiopia iyo dowladda KMG ee Somalia ayaa dagaal ka dhacay magaalada caasimada ee Muqdisho ku qabsaday saldhig ciidamada booliisku leeyihiin.
Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in ugu yaraan laba ciidamada booliiska iyo labo ka tirsan askarta ay ku dhinteen weerar gantaal iyo rasaas ka dhacaysay qoryaha fudud.
Kooxaha soo weeraray saldhiga booliiska ayaa wararku sheegayaan inay halkaasi isaga baxeen isla habeenimadii. Dagaalka Muqdisho ayaa waxa uu dhacay maalin kadib markii ciidamada Ethiopia oo taageera kuwa dowladda la sheegay inay dileen in ka badan soddon qof oo rayid ah.
Dadkaasi rayidka ah ayaa lagu dilay goobo kala duwan kadib markii weeraro gaadmo ah lagu soo qaaday ciidamada Ethiopia.
Toddobaadkan horaantiisii Ethiopia waxa ay beenisay warbixin ay soo saartay hey'adda Amnesty International oo ku eedeeysay in ciidamadeeda ay dagaal balaan ku qaadeen dadka rayidka ah ee ku nool Somalia.