http://www.bbcsomali.com

08 May, 2008, 13:26 GMT; 16:26 SGA

Maxamed M. Dhoore
BBC Mogadishu

Meydad laga helay tuulada Yaaq-bari weyne

Meydka lix qof oo isugu jiray beeraley iyo xoolaley ayaa la geeyay masaajid ku yaala tuulada Yaaq-barin weyne oo u dhaw degmada Wanle-weyn si loo aqoonsado.

Warbixinta Meydadka

Dadkaasi ayaa waxa la helay meydadkooda, oo ay ku yaaleen rasaas iyo dhaawac midiyo, iyagoo qaar isku xirnaa.

Lama oga cida dishay dadkaasi reer miyiga ah, waxaana dadka soo qaaday meydadkaasi ay sheegeen inay macquul tahay inay jiraan dad kale oo ku dhaawacmay halkaasi oo isaga cararay goobtaasi.

Deegaanka meydadkaasi laga soo qaaday ayaa shalay waxa lagu weeraray ciidamo Ethiopian ah oo halkaasi degenaa.

Goobta ay degenaayeen ciidamadaasi Ethiopia oo la sheegay inay xalay halkaasi ka guureen ayaa dadku ay sheegeen inay arkeen gawaari gubatay oo ciidamada Ethiopia ay lahaayeen oo halkaasi yaalay.