http://www.bbcsomali.com

07 May, 2008, 13:55 GMT; 16:55 SGA

Mohamed Ibrahim Moalimu
BBCSomali.com

Howlgalka ammaanka ee Islaamiyiinta

Ciidamo ka socda midowga maxkamadaha Islaamka, ayaa ilaa xalay howlgalo dhinaca ammaanka ah ka waday deegaano ka tirsan gobolada shabeelaha dhexe iyo Hiiraan, waxaa wararku sheegayaan in ay soo qabteen kooxo burcad ah oo jidgooyooyin ka samaystay deegaanada qaar.

Warbixinta

Afhayeen u hadlay maxkamadaha Islaamka, ayaa isagoo ku sugan magaalada Jowhar wuxuu u sheegay weriyaha BBC-da in howlgaladan ay burcadda kaga sifaynayaan waddooyinka, kuwaas oo caadaystay in ay dhacaan dadka ku safraya waddooyinka.

Wuxuu afhayeenku sheegay in deegaanada ay burcadda ka sifeeyeen ay ka dalbadeen odayaasha in ay ammaanka deegaankooda ka shaqeeyaan sidii loo sugi lahaa.

Dhinaca kale Tuulo u dhow degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe, ayaa wararku sheegayaan in lagu dilay ilaa 4 qof, taasoo aan wax xiriir ah la lahayn howlgalkan.

.