http://www.bbcsomali.com

07 May, 2008, 13:23 GMT; 16:23 SGA

Ayaanle Hussein Abdi
BBCSomali.com

Dagaal ka dhacay Hiiraan

Dagaal cusub ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa tuulooyinka Garasiyaani iyo Nuur Fanax ee gobolka Hiiraan, wuxuu u dhaxeeyaa ciidamada Ethiopia iyo kooxo hubaysan oo ka soo horjeeda joogitaankooda dalka Soomaaliya.

Dagaalka Hiiraan

Weerarka ayaa bilowday kadib markii ciidamo Ithoobiyaan ah oo ka soo guuray degmada Buuloburte ay u soo dhaqaaqeen dhinaca magaalada Beledweyne, iyadoo lagu weeraray dhul buuraleey ah oo u dhaxeeya labada magaalo.

Warar hordhac ah oo ka soo baxaya weerarka, ayaa sheegaya in uu muddo kadib dagaalku istaagay, iyadoo hub aad u culus la isku adeegsaday, isla markaana uu qasaare dhimasho ah soo gaaray labada dhinacba.

Waa markii labaad oo ciidamo ka socda Ethiopia lagu weeraro isla deegaankan, iyadoo horay weerar miino dhulka loogu qariyay ay dhibaatooyin u gaysteen ciidamada Ethiopia.