|
QM oo taageertay wadahadalka Djibouti
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Golaha Ammaanka ee QM, ayaa si buuxda isugu raacay, in xafiiska QM ee Soomaaliya loo raro Soomaaliya.
Xafiiskaas oo intii muddo ahba ka hawlgalayay magaalada Nairobi ayaa hadda loo rarayaa gudaha Soomaaliya.
Goluhu waxaa kale oo uu isku raacay, in ciidammo ka socda QM la geeyo Soomaaliya, marka ay xaaladdu saamaxdo.
Xalaadda shuruudda ah ayaa lagu macneeyay in ay tahay, marka la helo hannaan siyaasadeed oo meel mar noqon kara dhinacyada oo dhamina ay u dhan yihiin, isla markaana colaaddu dhammaato. QM ayaa waxyaabaha ay ka fekereyso waxaa ka mid ah in ay 28 kun oo askari oo ay u dirto Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, Goluhu wuxuu ku baaqay in la soo dhammaystiro ciidammada Midowga Afrika, si ay u beddelaan ciidammada Ethiopia ee ku sugan Soomaaliya. Golaha Ammaanka ayaa waxaa uu sheegay in uu doonayo in uu tallaabo ka qaado shakhsiyaadka iyo dhinacyada kuwa isku dayaya in ay is hor taagaan wadahadal siyaasadeed oo nabad ah. Dowladda Britain ayaa Golaha u soo jeedisay hindisahan, dowladda Koofur Afrikana waxay ku dartay in la xoojiyo ereyada muujinaya kaalinta QM. Danjiraha Britain u fadhiya QM, John Sawers, ayaa ka digay in aan la filan xal deg deg ah.
Wuxuu yiri "QM habeen keliya nabad ugama dhalin karto Somalia. Waa dal 17 sano aan arag dowlad wax ku ool ah. Markaa waddada nabadda loo marayaa waa mid dheer oo adag" Goluhu wuxuu sheegay in uu taageersan yahay wadahadalka nabadda ee Djibouti. Danjiraha Koofur Afrika u fadhiya QM, Dumisani Kumalo, ayaa isaguna sheegay in uu aad u faraxsan yahay. Waxaa uu yiri "waxaa cad ayuu yiri in haddii xaaladdu ay saamaxdo, markaa uu Golahani wax qaban doono". Danjiruhu wuxuu intaa ku daray "Dadka Soomaaliyeed waxay arkayaan in la garowsaday qeyla dhaantooda". |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||