BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
16 May, 2008, 19:33 GMT; 22:33 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Wadahadalada xisbiyada Somaliland
 
Axmed Maxamed Siilaanyo
Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye
Labadii maalmood ee ugu dambaysay, waxaa wada hadallo magaalada Hargeisa uga socdeen dawladda iyo dhinaca kale axsaabta mucaaradka ah ee Somaliland, kadib markii khilaaf siyaasadeed oo ka abuurmay muddo-kordhintii xilliga madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka, xilligaas oo ku ekaa, intii aan la kordhin, 15-ka May.

Hase ahaate, ilaa hadda la sheegay oo kaliya in dib la isugu soo noqon doono maalinta isniinta ee bishani ay tahay 19ka.

Yonis Cali Nur ayaa waxaa uu weydiiyay Godoomiyaha xisbiga kumiye, Axmed Maxamed Maxamud Silaayo meesha ay wax u marayaan dowladda iyo Mucaaradka marka ay timaado wadahadal.

Dhanka kale, xisbiga kale ee mucaaradka ee UCID, ayaa iyagana wadahadalkaa ka qeyb galay. Gudoomiyaha xisbga UCID, Fasal Cali, ayaa isna uga waramay Yonis Cali Nuur waxyaabii la isla gartay.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin