|
Qarax bomb oo ka dhacay Towfiiq
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
Askari Itoobiyaan ah, ayaa ku dhintay dhowr qof oo kalena way ku dhinteen kadib markii uu qarax ka dhacay agagaarka telefishinkii
hore ee Soomaaliya ee degmada Yaaqshiid magaalada Muqdisho.
Ciidanka la bartilmaameedsaday, ayaa sida goobjoogayaal ay sheegeen waxay gaari-gacanno ku sideen cunto loo malaynayo in ay u gudbinayeen ciidamo Ethiopian ay oo ku sugan isbitaalkii hore ee Carafaat, iyagoo ka soo baxay garoonka kubadda cagta Istadium Muqdisho oo ay saldhig ka dhigteen. Waa markii lixaad muddo laba todobaad ah oo ciidamo howlahan oo kale ku jira bartilmaameed laga dhigto. Qaraxa kadib, ayaa ciidamada gurmad ah oo ka soo baxay Istadium Muqdisho, waxay abaareen guryaha ku yaalla agagaarka oo Towqiif ee ku dhowaa goobta qaraxa lagula beegsaday, iyagoo baaritaano ka wada halkaas, dhowr qofna qaqabtay. |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||