|
Shirka Djibouti oo dhamaaday
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Axmed Waldi Cabdala, ayaa sheegay in qodobada ay isku raaceen ergada mucaaradka
Soomaaliya iyo kuwa dowladda ku meelgaarka ah ay ka mid tahay in wax laga qabto arrimaha bini'aadaminimada ee ka jira dalka
Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in ay ugu baaqeen dhinacyadu taageerayaashooda in ay gacan ka gaystaan sidii dadka Soomaaliyeed ee dhibaataysan wax loogu qaban lahaa. Waxay isla garteen buu yiri dhinacyadu in ay dhibaatada Soomaaliya lagu xaliyo si nabad ah iyo in la ilaaliyo xuduudaha, madaxbanaanida iyo sharafta Soomaaliya. Wakiilka xoghayaha guud, wuxuu kaloo xusay in dhinacyadu isla garteen in shir kale ay isugu yimaadaan 31-ka bishan May oo ay ku kulmaan magaalada Djibouti, iyadoo loo mahadceliyay martigalinta ay samaysay dowladda Djibouti. Waxaa wali ku sugan Djibouti ergadii isbahaysiga mucaaradka oo ay ku soo biireen Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Shariif Xassan Sheekh Aadan, iyadoo ay ka dhoofeen ergadii dhexdhexaadinta ee Qaramada Midoobay oo Nairobi u ambabaxay iyo kuwa dowladda ku meelgaarka ah oo dib ugu laabtay magaalada Muqdisho. |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||