BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
15 May, 2008, 13:51 GMT; 16:51 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Ciidamada Ethiopia oo xiray Tabliiq
 

 
 
ethiopia
Ciidamada Ethiopia waxay Muqdisho ku xireen in ka badan 20 qof
Ciidamada Ethiopia ayaa hawlgal ay maanta ka sameeyeen magaalada Muqdisho waxa ay ku xireen in ka badan 20 qof oo ay ku jiraan culimo Tabliiq ah.

Hawlgalkan ay sameeyeen ciidamada Ethiopia ayaa waxa uu ka danbeeyay markii xalay weerar lagu qaaday saldhig ay ciidamada Ethiopia ku lahaayeen xaafadda Towfiiq.

Dadkan oo ay ciidamada Ethiopia ka soo qabteen xaafadaha Juungal iyo Towfiiq ayaa qaarkood ay dad goob joogayaal ah sheegeen inay ka soo kaxeeyeen masaajid halkaasi ku yaala.

Dhinaca kale waxaa maanta la xiray wadada Maka Al Mukarama, kadib markii qarax lala beegsaday gaari ay wateen ciidamada dowladda KMG ah oo marayay.

Lama oga qasaaraha gaaray ciidamada dowladda ee qaraxu qabsaday.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin