BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
14 May, 2008, 12:17 GMT; 15:17 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Halkee marayaa shirka ka socda Djibouti?
 

 
 
Djibouti
Magaalada Djibouti
Dalka Djibouti oo uu ka socday shirka ay Qaramada Midoobay sheegtay in ay ku dhexdhexaadinayso dowladda ku meelgaarka ah iyo mucaaradkeeda isbahaysiga dib u xoraynta dalka, ayaa warar is khilaafsan ay ka soo baxayaan oo ku saabsan in rajo laga qabo iyo inuu burbur ku dhow yahay.

Waxaa qorshuhu ahaa in shirka la soo gabagabeeyay berito ama Jimcaha, waxaana la is waydiinayaa rajo intee la eg ayaa laga qabi karaan kulanka? Mise dhici kartaan in lagu kala tago?

Weriyaha BBC-da, Yuusuf Xassan oo jooga magaalada Djibouti, ayaa la kulmay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ah Madaxa Wafdiga dib xoraynta dalka ee shirka Djibouti, oo uu ka wareystay bal halka uu marayo shirka.

Cabdiraxmaan waxa uu sheegay in ay wada dhameysteen Qaramada Midoobay waxyaabihii ay doonayeen, isagoo intaa sii raaciyay in ujeedadii ay lahaayeen ay xaqiijiyeen, isla markaana wixii ay ka wada hadleen ay dib ugula noqon doonaan madaxdooda.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin