BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
14 May, 2008, 11:34 GMT; 14:34 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Ciidamada Ethiopia oo raashin qeybiyay
 

 
 
ethiopia
Ciidamada Ethiopia horey loogama baran raashin qeybin
Ciidamada Ethiopia ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa maanta markii ugu horeysay waxa ay raashin u qeybiyeen dadweynaha ku nool xaafada Deyniile ee magaalada Muqdisho.

Raashinka ay qeybiyeen ciidamada Ethiopia ayaa ahayd masaggo, iyadoo ay qoysaska xaafada Deyniile gacanta ugu qeybinayeen loorar masaggo ah oo tiradooda lagu qiyaasay ilaa afar boqol.

Tallaabadan ay qaadeen ciidamada Ethiopia oo ah mid aan horey looga baran ayaa dadka qaarkiis fajaciso ku noqotay, iyadoo horey looga bartay ciidamada dagaal iyo xabad.

Dadka raashinkaasi soo doontay oo fikrado kala duwan ka bixiyay, ayaa qaarkood waxay ay wajiyada ku qarsadeen maryo, iyagoo ka cabsi qaba in ay dhibaato soo gaarto xagga ammaanka ah.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin