Ayaanle Xuseen Cabdi BBC Beledweyne
|
 |
 |
|
| Magaalada Beledweyne |
Ciidamada Ethiopia ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaa maanta magaalada Beledweyne ka kaxeystay 21 wadaado Tabliiq ah, oo ku
sugnaa halkaasi.
Ciidamada Ethiopia ayaa la sheegay in culimadaasi Tabliiqa ah ay u kaxaysteen xaruun ciidan oo ay ku leeyihiin dulleedka magaalada
Beledweyne.
Lama oga sababta ay ciidamadu u kaxeysteen wadaadada, waxaana ciidamada Ethiopian ay kaxeysteen raggaasi, mar ay hawlgal baaris
ah ay ka sameynayeen gudaha magaalada.
|