BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
13 May, 2008, 16:54 GMT; 19:54 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Wada hadal u furmay dowladda iyo mucaaradka
 

 
 
hargeisa
Magaalada Hargiesa
Gudiga doorashooyinka ee Somaliland ee magaalada Hargeysa ayaa maanta Gelinkii Danbe, hadal uu ka soo saaray magaalada Hargeysa, waxaa uu ku sheegay inay uu bilaabmay, wada-hadal u dhexeeya labada xisbi ee mucaaradka ee Kulmiyo iyo Ucid iyo xisbiga talada haya ee Udub.

Wada hadalada oo ka dhacay xaruunta nabadda iyo horumarinta ayaa waxa war saxaafadeedka lagu sheegay inay xisbi walba uga qeybgaleen saddex xubnood, inkastoo aanan la sheegin magacyada iyo darajada xubnaha wada hadalka uga qeybgalaya xisbiyada iyo dowladda.

War saxaafadeedkaasi ka soo baxay guddoomiyaha gudiga doorashada Somaliland ayaa lagu sheegay in maanta la go'aansaday in xisbiyadu ay joojiyaan is eedeeynta iyo hadalada ay saxaafadda isku marinayaan.

Maalmihii ugu danbeeyay ayaa waxa Somaliland ka taagnaa xiisad siyaasadeed oo la xiriirta waqtiga sanadka ee loo kordhiyay dowladda Daahir Rayaale oo xisbiyada mucaaradku ay ka soo horjeesteen.

Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo labada hogaamiye ee mucaaradka Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Faysal Cali Waraabe ayaa waxa ay wareysiyo kala duwan siiyeen BBC, ka dhegayso halkan.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin