BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
12 May, 2008, 11:26 GMT; 14:26 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Rayaale oo shuruud ku xiray wada hadalka
 

 
 
rayaale
Madaxweyne Dahir Rayaale Kaahin
Guddoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ayaa joojiyay dhex dhexaadin uu ka dhex waday Dolwadda Somaliland iyo laba xisbi ee mucaaradka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in sababta uu u joojiyay hawsha dhexdhexaadinta ay tahay in Madaxweyne Daahir Rayaale uu ka diiday in wada hadal toos ah ay yeeshaan isaga iyo labada hogaamiye ee mucaaradka.

Guddoomiayaha Golaha wakiiladda Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro)waxa uu sheegay in dhibaatadu ay tahay in xukuumadda Madaxweyne Rayaale ay dooneyso in labada xisbi ee mucaaradka ay aqoonsadaan muddo kordhinta sanadka ah ee dowladda xilligeedii loo kordhiyay, taasi oo ay sheegeen inay fure u noqoneyso wada hadal kasta oo dhex mara labada dhinac.

Laakiin Madaxweyne Dahir Rayaale oo taas ka jawaabayay ayaa wareysi uu BBC siiyay maanta waxa uu ku eedeeyay mucaaradku ay yihiin kuwa diidan in lagu dhaqmo sharciga.

Dowladda Madaxweyne Daahir Rayaale ayaa xilligeedii uu ku egyahay 15-ka bishan May, iyadoo muran weyn uu ka dhashay markii dhawaan golaha guurtida ay muddo sanad ah ugu kordhiyeen xilka.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin