 |
|
| Shirka waxaa dhexdhexaadinaya wakiilka gaarka ah ee QM ugu qaabilsan Soomaaliya, Axmed Weld Cabdalla |
Dalka Djibouti waxaa weli ka soconaya dadaal la doonayo in lagu suurta geliyo qabsoomidda shir dib u heshiisiineed ee dhinacyada
isku haya siyaasadda Soomaaliya, oo ay qaban qaabinayso Qaramada Midoobay.
Waa maalintii 2-aad ee ay halkaasi ku sugan yihiin ergooyin ka kala socda dowladda ku meel gaarka ah iyo isbahaysiga dib u
xoreynta dalka ee saldhiggiisu yahay dalka Eritrea.
Hase ahaatee weli laguma guulaysan in shirku rasmi ahaan ah u furmo iyadoo labada dhinac uu mid waliba mowqif adag ku dheggan
yahay, ayna ugu weyn tahay sida laga yeelayo ciidammada Itoobiya ee taageeraya dowladda ku meel gaarka ah.
Cabdirisaaq Ashkir Cabdi, wasiirka dib u heshiisiinta iyo gobollada ee dowladda ku meel gaarka, ayaa hoggaaminaya wafdiga
dowladda uga qayb gelaya shirka dib u heshiisiinta, kaasoo u warramay BBC-da, wuxuuna sheegay in dhinacooda ay diyaar u yihiin
dib u heshiin run ah sida uu hadalka u dhigay.
|