 |
|
| Nuur Cadde waxa uu rajo ka muujiyey shirka Djibouti |
Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa rajo wanaag ka muujiyey shirkii maanta la filayey in uu ka dhaco magaalada Djibouti ee
xarunta dalka Djibouti ee ay wada yeelan lahaayeen dhinacyada Soomaaliya.
Nuur Cadde ayaa sheegay in ay tahay in ay Soomaalidu is-aragto oo ay wada hadasho oo haddii la wada hadlona ay jirto rajo
wanaagsan oo ku saabsan sidii sidii Soomaaliya loogu heli lahaa xal lagu soo afjaro khilaafaadka ka jira Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa rajo wanaag ka muujiyey shirka Djibouti wakiilka gaarka ah e xoghayaha guud ee QM ugu qaabilsan Soomaaliya,
Axmed Weld Cabdalle, oo isaguna sheegay in mar haddii ay wufuuddii labada dhinac ku yimaadeen waqtigii loogu talo gala isla
markaana ay tiradoodu kooban tahay ay jirto rajo wanaagsan.
Waxaa hadda socda kulamo kala gaar-gaar ah oo ay QM la yeelanayo dhinacyada, hase yeeshee ilaa iyo hadda lama sida waxa suurtogeli
kara berri ama berri dambe.
|