BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
10 May, 2008, 13:03 GMT; 16:03 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Weerar lagu qaaday kolonyo Ethiopian ah
 

 
 
Ciidamada Ethiopia (sawir hore)
Ciidamada Ethiopia ayaa rasaas xoog badan ku jawaabay weerar kaddib iyadoo degaankii uu weerarka ka dhacay si weyn u soo buuxiyey
Weerarkan oo ka dhacay goob ku dhow halkii hore u ahaan jirtay telefishankii dowladdii Soomaaliyeed ayaa waxa uu ahaa mid gaadmo ah oo lala tiigsaday baabuur saad u sidday ciidamada Ethiopia.

Weerarka kaddib, ayaa waxaa halkaasi ka dhashay dagaal iyadoo ay ciidamo Ethiopian oo ka soo baxay garoonka Stadio Muqdisho gurmad ahaan meesha u soo gaareen.

Inkastoo la sheegay in ciidamada Ethiopia ay fureen rasaas aad u xooggan, haddana weli lama hayo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi. Hase yeeshee goobjoogeyaal ayaa BBC-da u sheegay in ay arkayeen saddex ka tirsan ciidamada Ethiopia oo dhulka taalla oo meyd ah, kaddib qaraxii lala beegsaday baabuurtooda.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin