|
Agaasimaha idaacadda SBC oo la sii daayay
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Maamul goboleedka Puntland, ayaa sii daayay agaasimaha Raadiyaha iyo Telefishinka SBC ee magaalada Boosaaso, Mowliid Xaaji
Cabdi, kadib markii saaka la xiray.
Mowliid Xaaji Cabdi oo wareysi siiyay BBC kadib markii la sii daayay ayaa sheegay in xarigiisa uu amray wasiirka Amniga Puntland, Cabdullaahi Siciid Samatar. Xariga Agaasimaha SBC Mowliid Xaaji Cabdi, ayaa waxa uu la xiriiray warar dhinaca amniga ah oo laga sii daayay idaacadda SBC ee magaalada Boosaaso. Mowliid Xaaji Cabdi waxa uu sheegay in la sii daayay kadib markii waxgarad uu soo dhexgalay arinta xarigiisa. Shalay ayaa sidoo kale ciidamada Puntland waxa ay xireen weriye Jaamac Yuusuf Dabaraani, oo markii danbena la sii daayay. |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||