BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
09 May, 2008, 11:57 GMT; 14:57 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Golaha Wasiirada Kenya oo kulmaya
 
kenya
Wasiirada qaar ayaa wali u dhaqma sida inay iska soo horjeedaan
Golaha wasiirada Kenya ee awood qaybsiga lagu dhisay ayaa markii ugu horaysay maanta kulmaya tan iyo markii la dhaariyay in ka badan sadex todobaad ka hor.

Dowladda isbahaysiga, oo fure u ahayd xal u helidda rabshadihii ka dhashay doorashooyinkii dalka ee lagu murmay, ayaa lagu wadaa in ay kulanto, iyadoo lagu tilmaamay kulanka mid u eg tababarka aqoon iswaydaarsi.

Weriyaha BBC Josphat Makori oo ku sugan Kenya ayaa sheegaya in ay tani fursad u tahay xubnihii horey isaga soo horjeeday inay bartaan sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen, iyagoo hal koox ah.

Rabshadihii ka dhacay Kenya bishii December ee sanadkii hore doorashooyinkii lagu murmay ayaa waxa ku dhintay 1,500 qof, iyadoo 600,000 oo qofna ay ku barakaceen.

Madaxweyne Mwai Kibaki iyo Ra'iisul Wasaare Raila Odinga ayaa ku heshiiyay inay awoodda qeybsadaan bishii February, kadib wada xaajoodkii uu ka shaqeeyay Xoghayihii hore ee Q.M. Kofi Annan.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin