BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
09 May, 2008, 12:14 GMT; 15:14 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Diyaar garow ka socda magaalada Djibouti
 

 
 
Djibouti
Magaalada Djibouti
Magaalada Djibouti ayaa waxa ka socda qabanqaabo la xiriirta shirka wada xaajoodka dowladda KMG ah ee Somalia iyo Isbahaysiga Dib u Xoreynta mucaaradka oo la filayo in beri halkaasi ka furmo.

Wufuuda dhinacyada ka qeybgalaya shirkan ayaa qaarkood ay joogaan waddanka Djibouti, iyadoo qaarna la filayo inay maanta gelinka danbe ay halkaasi gaaraan.

Waxaa sidoo kale dalka Djibouti maanta gaaray diblomaasiyiin ka socda QM iyo wadamada kale ee ku lug leh dib u heshiisiinta Somalia, waxaana la dareemayaa diyaar garow la xiriira shirka dowladda iyo mucaaradka Somalia.

Kulankan, ayaa ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Axmed Waldi Cabdalla, wuxuu ku tilmaamay in uu yahay mid dowladda iyo mucaaradku ay isku arkayaan shirkan oo ay ka wadahadlayaan xal u helidda dhibaatada Soomaaliya.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin