|
Hawlaha gargaarka ee ka socda Burma
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Hay'adaha gargaarka ee ku sugan gudaha dalka Burma, ayaa sheegay in ay awoodeen oo kaliya ilaa toban boqolkiiba dadka ku waxyeeloobay
duufaantii Nargis.
Wakaaladuhu waxay qiyaasayaan in inta u dhaxaysa 1.2 ilaa 1.9 million oo qof ay si dhab ah u saamaysay duufaantu balse intooda badan ay heleen wax yar oo gargaarka ah ama aanay waxba gaarin. Saddex diyaaradood oo kuwa gargaarka oo ay leedahay QM ayaa ilaa hadda loo ogolaaday inay u duulaan gudaha waddanka Burma, iyagoo sida gargaar cunto. Hey'adaha samafalku waxa ay walaac isa soo taraya ka muujinayaan diidmada dowladda militeriga ah ee Burma oo aan ogoleyn kaalmo dheeraad ah in la geeyo halkaasi. Shaqaalaha gargaarka ee ku sugan waddanka gudihiisa waxa ay sheegayaa in tobanaan kun oo qof oo badbaaday ay isugu imanayaan qeybo ka mid ah Irrawaddy Delta oo aanay saameyn daadadka waaweyn ee ay sababeen dabeyluhu. Qaar badan oo ka mid ah dadkaasi si xun ayay u dhaawacan yihiin, iyagoo aan wax daryeel caafimaad ah helin. Waxaa jira cunto iyo biyo la cabo oo aad u xadidan iyo qatar weyn oo ah in halkaasi ay cuduro ka dilaacaan.
Hey'adaha caalamiga ah ayaa sheegaya in shaqaalahooda deegaanka ilaa hadda ay awoodi la' yihiin inay caawiyaan boqolkiiba toban dadka dhibaatadu heysato. shaqaalahaasi ayaa waxa hawshooda dib u dhigaya dhibaatooyinka xaga tasiilaadka ka heysta. Shidaalka iyo gaadiidka ayay adag tahay in si fudud lagu helo. Gawaarida intooda badan waxaa gacanta ku haya ciidamada militeriga ee Burma, Dowladda Burma waxa ay soo saartay hadal ay ku soo dhaweyneyso kaalmada caalamiga ah, laakiin waxa ay ku adkeysatay in lagu qeybiyaa, dadaalka ay iyadu wado dhexdiisa. Sarkaal ka tirsan QM ayaa ku tilmaamay diidmada maamulka militeri ee Burma ay ka madax adeygayaan in kaalmo dheeraad ah la gaarsiiyo dadka waxyeeladu gaartay, in xaaladda ay ka sii dareyso oo masiibadu ay intaa ka sii badanayso. |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||