BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
08 May, 2008, 18:09 GMT; 21:09 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Q.M. oo rajo wanaagsan muujisay
 
ould
Ahmed Ould Abdalla waa Wakiilka gaarka ah ee QM ee Somalia
Wakiilka gaarka ah ee Q.M. U qaabilsan Somalia Ahmedou Ould Abdallah ayaa waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyay wada hadalka lagu wado in dowladda KMG ah iyo Isbahaysiga Dib u xoreynta uga furmo dalka Djibouti 10-ka bishan May.

Warkan ayaa lagu sheegay hadal saxaafadda loogu tala galay oo ka soo baxay xafiiska siyaasadda u qaabilsan Somalia ee UNPOS.

Mr Ould Abdallah waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay in ay tahay markii ugu horeysay ee kooxaha Soomaalidu ay ku heshiiyeen inay kulmaan iyagoo wata tiro ergooyin xadidan, oo ay meel cayiman iyo waqti ay qabsadaan.

 In nabad la sameeyaa waxa ay ka adagtahay in dagaal la sameeyo
 
Ahmedou Ould Abdallah

Wakiilku waxa uu intaa ku daray inay tani calaamad cad u tahay in Soomaalidu ay ka go'an tahay inay xushmeeyaan go'aamadoodii, marka ay aaminsan yihiin waxa ay sameynayaan.

Waxa uu yiri in nabad la sameeyaa waxa ay ka adagtahay in dagaal la sameeyo.

Ahmedou Ould Abdallah waxa uu sheegay in uu aaminsan yahay in Soomaalida, oo ay ku jiraan kuwa qurbaha ku nool ay doonayaan inay ka shaqeeyaan nabadda iyo in nabadgelyo loo helo Somalia.

Shirka ay isugu imanayaan dowladda KMG ah ee Somalia iyo mucaaradka ayaa waxa labada dhinac mid walba uga qeybgalaya toddobo xubnood.

Wakiilka Q.M. Ee Somalia waxa uu uu mahad celiyay dowladda Djibouti taageerada ay ka geysatay diyaarinta madasha iyo soo dhaweynteeda.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin