BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
07 May, 2008, 14:26 GMT; 17:26 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Qasaaraha weerarkii ka dhacay Hiiraan
 

 
 
Kooxaha u dagaalama Islaamiyiinta
Xoogaga Islaamiyiinta
Ilaa toban qof oo uu ku jiro sarkaal maxkamadaha ka tirsanaa ayaa ku dhintay dagaalkii shalay Hiiraan ku dhexmaray ciidamada Ethiopia iyo kooxaha ka soo horjeeda.

Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanada Garisiyaani iyo Nuur-fanax, halkaas oo lagu weeraray ciidamada Ethiopia oo marayay kadib markii ay ka soo baxeen degmada Buuloburte ee gobolka Hiiraan.

Dagaalkan, oo la sheegay in uu ahaa kii ugu cuslaa, ayaa qasaarooyin u gaystay dadka rayid ah ee deegaanka lagu dagaalamay, oo maalmihii ugu dambeeyay ay u soo naq raaceen reer miyi xoolo dhaqato ah.

Dagaalka ayaa waxa la sheegay inuu ku dhintay hogaankii maxkamadaha ee gobolka Hiiraan, Sheikh Aamin Barkhadle.

Wuxuu Afhayeen u hadlay maxkamadaha sheegay in ay dhinaca ciidamada Ethiopia u gaysteen qasaare oo ay ka gubeen laba baabuur iyo ciidankii saarnaa.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin