|
 |
|
| Ciidamada Ethiopia |
Dagaal cusub ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa tuulooyinka Garasiyaani iyo Nuur Fanax ee gobolka Hiiraan, wuxuu u dhaxeeyaa ciidamada
Ethiopia iyo kooxo hubaysan oo ka soo horjeeda joogitaankooda dalka Soomaaliya.
Weerarka ayaa bilowday kadib markii ciidamo Ithoobiyaan ah oo ka soo guuray degmada Buuloburte ay u soo dhaqaaqeen dhinaca
magaalada Beledweyne, iyadoo lagu weeraray dhul buuraleey ah oo u dhaxeeya labada magaalo.
Warar hordhac ah oo ka soo baxaya weerarka, ayaa sheegaya in uu muddo kadib dagaalku istaagay, iyadoo hub aad u culus la isku
adeegsaday, isla markaana uu qasaare dhimasho ah soo gaaray labada dhinacba.
Waa markii labaad oo ciidamo ka socda Ethiopia lagu weeraro isla deegaankan, iyadoo horay weerar miino dhulka loogu qariyay
ay dhibaatooyin u gaysteen ciidamada Ethiopia.
|