BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
06 May, 2008, 11:39 GMT; 14:39 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Mudaharaadyo ka dhacay Muqdisho
 

 
 
rabshado
Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay rabshadahaasi
Maanta ayaa mar kale waxaa magaaladda Muqdishu ka dhacay mudaarahaadyo looga cabanayo lacagaha duuga ah ee la diiday in dadka wax looga gado, iyo sicir bararka ka jira magaaladda Muqdishu.

Waxaa lagu waramayaa in dad faro badan ay xaafadaha qaarkood socod ka soo bilaabeen oo ay ku yimaadeen Suuqa Bakaaraha.

Dadka dibedbaxaya ayaa waxa ay gubayeen taayeero, iyagoo waddooyinka magaalada qaarkood la isugu soo baxay, waxaana dadka mudaharaadaya ay ku dhawaaqayaan hal-ku-dhegyo ay ku muujinayaan dhibaatada haysata.

Dadka qaar ayaa dhagxaan ku tuurayay goobaha ganacsiga ee suuqa Barkaaraha iyo gaadiidka dadweynaha ee magaalada ka shaqeeya

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin