|
Amnesty oo ka deyrisay xaaladda Somalia
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Warbixintan oo ka kooban 32 bog aya waxay guud ahaan eeda xadgudubyadda ka dhacay soomaliya dusha uga tuuraysaa dhamaan dhinacyada
ku lugta leh colaada soomaliya.
Waxaana lagu sheegay in dhinacyadan ay weli sii wadaan inay gaystaan dilal, jir dil, kufsi iyo garaac iyo sidoo kale in iyadoo aan kala soocin dadka la tiigsanayaan xabsi wax dacwad ahna aanay ku soo oogin. Amnesty international waxay warbixinteedani ugu dambaysay ku sheegatay, in dadka rayidka ah aanay haysan meel ay uga cararaan dagaalada ka soconaya magaalada caasimada ah ee muqdisho oo xitaa aanay ku badbaadin karaynin xeryaha qaxootiga oo ay kula kulmaan weeraro. Waxay warbixintu sheegaysaa in ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiopia oo taageeraya dowldda ku meelgaarka iyo waliba kooxaha hubaysan, ay noqdeen kuwa faraha kabaxay oo aan tixgelin u haynin shacabka. Amnesty waxay ugu baaqday beesha caalamka inay qabato wax ka badan inta ay haatan ka qabatay arinta Soomaliya. Dowladda itoobiya waa ay beenaysay warbixinta amnesty internaational waxayna ka dalbatay hay'aadu inay raali gelin ka bixiso eedeynta ay soo jeedisay oo ay ku tilmaamtay been abuur. Sawiro muujinaya xadgudbayada ka dhanka ah dadka rayidka ah iyo gaar ahaan suxifiyiiinta aya lagu soo bandhigay shir jaraa'id
oo ay ha'aada caalamiga ah ee Amnesty international ku soo bandhigtay warbixinteeda ugu dambeysay magaalada Nairobi ee dalka
kenya. |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||