12 Abriil, 2008, 13:08 GMT; 16:08 SGA
Ciidamada Commandos-ka Faransiiska, ayaa weerar helicoptero loo adeegsaday ku qaaday koox burcad badeed Soomaali ah muddo gaaban kadib markii ay sii daayeen ilaa sodon la haystayaal ah oo lagu qabsaday doon kuwa lagu raaxaysto ah oo Faransiisku leeyahay.
Shiishyahan Faransiis ah oo saarnaa mid ka mid ah helicopterada, ayaa toogtay matoorka baabuur ay ku baxsanayeen burcadda, iyadoo helicopter kalena ay dajisay ilaa sadex askarta Faransiiska, oo soo qabtay ilaa lix Soomaali ah.
Admiral Edouard Guillard, oo ka tirsan ciidamada badda Faransiiska, ayaa sheegay in badqabka la haystayaasha uu wax walba uga muhiimsanaa.
Hase yeeshee, warar kale ayaa sheegay in ilaa sadex qof ay ku dhinteen weerarka. kuwaasi oo ahaa rayid reer miyi ah.
Dadka deegaanka qaar, ayaa sheegay in dadka dhintay iyo kuwa la qabtayba in ay isugu jiraan burcad badeed iyo dad rayid ah.