http://www.bbcsomali.com

10 Abriil, 2008, 16:29 GMT; 19:29 SGA

Yusuf Hassan
BBC Djibouti

Nuur Cadde oo dib ugu laabtay Muqdisho

Ra'iisul Wasaaraha KMG ah ee Somalia Nuur Xasan Xuseen ayaa maanta ku laabtay Muqdisho ka dib markii uu safar ku kala bixiyay dalalka Kenya, Suucdi Arabia, Imaaraadka Carabta iyo Djibouti.

Nuur Cadde

Saaka intii aanuu ka amba bixin waddanka Djibouti ayuu Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde BBC-da u sheegay in ujeedada socdaalkiisa Jabouti aanay ahayn in wada xaajood uu kula galo mucaaradka.

Ra'iisul Wasaaruhu waxa uu sheegay in ay booqasho rasmi ah ka heleen Madaxweynaha iyo dowladda waddanka Djibouti, isla markaana ay ka wada hadleen, xiriirka labada waddana iyo sidii xal loogu heli lahaa dhibaatada ka taagan waddanka Somalia.