09 Abriil, 2008, 17:14 GMT; 20:14 SGA
Farhan Mohamed Jimale
BBC London
Digniin ku saabsan deganaansho la'aanta sicirka cunatada ee kor u kacay oo sheegeysa inay ku faafi doonto guud ahaan wadamada saboolka ah ee caalamka oo dhan. Digniintan ayaa waxa ay ka timid Sarkaal sare oo ka tirsan QM.
Jacqques Diouf, oo ah agaasimaha guud ee hey'adda FAO QM ayaa waxa uu digniintan bixiyay kadib markii mudaharaadyo waaweyn ay ka dheceen waddanka Haiti toddobaadkii aynu ka soo gudubnay, halkaasi oo shan qof ay ku dhinteen, sida ay kusoo warantay Weriyaha BBC-da Fioana Werge.
Wadamada ugu saboolsan adduunka, gaar ahaan dadkooda ugu faqiirsan, ayaa dhibaatadani waxay ku noqoneysaa mid si aad ah u taabaneysa, waxaana ay bilaabeysaa inay degenaansho la'aan abuurto iyo cuno yari, iyo weliba gaajo ba'an oo soo wajahda dadkaasi, taasi oo ah arinta aanu aad uga walaacsanahay marka laga eego xagga bini'aadanimada.
Kor u kaca tirada dadka guud ahaan ayaa ah arimaha saameynta leh, horumarka baraare ee wadamada balaaran sida India iyo China ayaa waxay sababeysaa inay wax badan cunaan cunto horumarsan, taasi oo qaadanaysa dhul badan in wax laga soo saaro, cimilada adduunka ee isbedelya ayaa iyana ah dhibaato kale.. waxaana u malaynayaa in arrimahan ay yihiiin kuwa ugu muhiimsan.
Somalia
Sicir bararka guud ahaan saameeyay maciishada iyo suuqayada ku yaala waddanka Somalia ayaa waxaa sidoo kale uu taabtay dadka xoolaleyda ah ee dhaqda ama ka ganacsada xoolaha nool oo ay isugu darsantay abaarro ba'an oo ku habsaday gobolada dalka iyo sicir bararka.
Gobolka Hiiraan ayaa ka mid meelaha ay dadku ka cabanayaan isbedelka ku yimid qiimaha suuqyada, Ayaanle Xuseen Cabdi ayaa la kulmay qaar ka mid ah dadka xoolaleyda ah oo warbixintan nooga soo diray.