http://www.bbcsomali.com

08 Abriil, 2008, 12:53 GMT; 15:53 SGA

Maxamed M. Dhoore
BBC Mogadishu

Qarax iyo tacshiirad ka dhacay Baydhabo

Qarax iyo tacshiirad ka dhacay gudaha magaalada Baydhaba ee xaruunta u ah baarlamaanka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya, ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan hal qof, iyadoo dhowr kalena ay ku dhaawacmeen.

Warbixinta Baydhabo

Qaraxa, ayaa wararku sheegayaan in lala eegtay ciidamo Ethiopian ah oo ku sugnaa gudaha magaalada Baydhaba, kuwaas oo markaas kadib rasaas xoog leh furay.

Dadka dhaawacmay oo afar ka mid ah ay yihiin rayid ayaa waxa ku jiray askari Ethiopian ah oo weerarka qaraxa ku dhaawacmay.

Ciidamada Ethiopian iyo Somali isugu jira ayaa goobta soo gaaray, iyadoo la xiray dhamaan goobaha ganacsiga, iyadoo uu istaagay gaadiidka xaafadda Afar Irdood oo ah bartamaha magaalada.

Maalmihii u danbeeyay ayaa waxa soo kordhayay magaaladaasi weeraro fool- ka fool ah oo lala beegsanayay ciidamada dowladda KMG ah ee Somalia iyo kuwa Ethiopia.