 |
|
| Hogaamiyaha mucaaradka Zimbabwe Morgan Tsvangirai |
Kooxda caalamiga ah ee Human Rights Watch, ayaa ku eedaysay ciidamada Zimbabwe in ay taageereen rasbshada iyo cabsigalinta
ka dhanka ah taageerayaasha mucaaradka ka hor inta aanay dhicin ku celin ay macquul tahay in dib loo qabto doorashada madaxtinimo.
Human Rights Watch, ayaa sheegtay in ciidamada ay hub iyo qalab siiyeen maleeshiyada taageerta madaxwayne Robert Mugabe oo
ka qaybgalay jirdilka taageerayaasha mucaaradka.
Waxay sheegtay in ciidamada iyo xisbiga talada haya ee Zanu-PF ay xoojiyeen joogtaankooda miyiga Zimbabwe si ay u xaqiijiyaan
in uu guulaysto Mr Mugabe hadii la qabto wareeg labaad ee doorashada madaxtinimada.
Ilaa hadda laguma dhawaaqin natiijada doorashadii madaxtinimo ee dhacday bsihii la soo dhaafay.
|