|
Jangali: Rajo weyn ayaan ka qabnaa
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Wasiirka arrimaha dibedda ee dowladda KMG ah ee Somalia Cali Axmed Jaamac Jangali, ayaa sheegay in rajo weyn ay ka qabaan
in uu qabsoomo wada hadal lagu wado in dowladda iyo mucaaradka uu ku dhexmaro dhawaan waddanka Djibouti.
Wasiirka ayaa hadalkan ku sheegay wareysi uu siiyay BBC-da kadib markii uu ka qeybgalay maanta shirka kooxda xiriirka caalamiga ee Somalia ee lagu qabtay magaalada Oslo ee caasimada waddanka Norway. Wasiirku waxa uu sheegay in kulanka kooxda Somali Contact Group oo ahaa kii 12aad, looga wada hadlay arrimaha dib u heshiisiinta, xaaladda ammaanka dalka, abaaraha ka jira Somalia iyo sidii kaalmo dadka loo gaarsiin lahaa. Cali Axmed Jaamac Jangali waxa uu sheegay in wada hadalkan la geliyay dadaal weyn sidii la isugu keen lahaa labada dhinac, waxaana uu intaa sii raaciyay in dowladdiisu ay ogolaatay, kana go'an tahay inay la hadlaan mucaaradka si loo gaaro buu yiri xal looga baxo marxaladda ka taagan Somalia. Wasiirka arrimaha dibedda ee Somalia, waxa uu sheegay in shirka dib u heshiisiinta ee dhex maraya dowladda KMG ah iyo mucaaradka ay dhinacooda uga qeybgali doonaan toddobo xubnood, inkastoo uu sheegay in aan wali la magacaabin xubnahaasi. Shirka kooxda Somali Contact Group ee maanta ka dhacay magaalada Oslo ee waddanka Norway ayaa ahaa mid albaabadu u laabnaayeen. |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||