|
 |
|
| Magaalada Hargiesa |
Magaalada Hargeysa, maxkamadda gobolka ayaa markii ugu horreysay maanta la horgeeyay koox ka kooban shan nin oo loo haysto
inay bishii February ku afduubeen gobolka Sanaag nin Jarmal ah oo u shaqeynayay hay'ad samafal.
Kooxdan ayaa xeer ilaaliyaha maxkamada Hargeisa uu ku soo oogay fal afduub ah iyo inay iska caabin ku sameeyeen ciidamada
ammaanka markii ay isku dayeen inay ka badbaadiyaan qofka ay afduubteen magaalada Ceerigaabo.
Maxkamadda ayaa ahayd mid furan, oo ay dadka ehelka u ah shantaasi eedeeysano ay dhageysanayeen, iyadoo hal qareen uu u doodayay
kooxdaasi.
|