|
Afar Ajnabi ah oo Lagu Dilay Beledweyne
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Kooxo hubeysan oo xalay soo weeraray magaalada Beledweyne ayaa dilay afar qof oo ajnabi ahaa oo macallimiin ka ahaa iskuul
lagu barto luqadda English-ka oo ku yaalla degmadaas.
Kooxdaas ayaa weeraray xarumaha dowladda oo eey kamid yihiin saldhigga booliiska iyo guriga guddoomiyaha gobolka, oo eey gubeen, wixii yaallayna ka qaateen. Kooxahaas oo aan heybtooda la garaneyn ayaa saacado kaddib isaga baxay Beledweyne. Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yusuf Axmed Xagar ayaa la sheegay inuu isaga baxay magaalada, saacado kahor inta eeysan kooxahan soo gaarin magaalada. Afarta qof ee la dilay ayaa kala ah laba British ah, oo midkood uu asal ahaan Soomaaliya kasoo jeedo, iyo laba nin oo Kenyan ah. Meydkooda ayaa laga helay meel aan sidaas uga sii fogeyn iskoolkii eey macallinka ka ahaayeen. |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||