BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
11 Abriil, 2008, 12:22 GMT; 15:22 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Ciidamo galay Buloburte iyo Jowhar
 
Ciidamada maxkamadaha
Ciidamada maxkamadaha
Ciidamo ka tirsan maxkamadihii Islaamiga ee Somalia ayaa waxa ay maanta la waareegeen gacan ku heynta magaalada Buula Burde ee gobolka Hiiraan.

Ciidamada Maxkamadaha ayaa la sheegay in ay halkaasi la wareegeen iyadoo aan wax dagaal ah ka dhicin, kadib markii ciidamo Ethiopian oo ku sugnaa ay magaalada Buula Burde ay isaga tageen.

Ciidamada Ethiopian-ka ee ka baxay magaalada Buurloburte iyo kuwo kale oo ka yimid magaalada Muqdisho, ayaa iyaguna haatan gaaran magaalada Jowhar ee caasimadda gobolka shabeelaha dhexe.

Ethiopian troops
Ciidamada Ethiopia ee ku sugan Somalia

Ciidamada ka yimid magaalada Muqdisho, ayaa horay u soo maray degmada Balcad oo ciidamo ka tirsan ay todobaadkii ugu dambeeyay ugu yaraan laba jeer galeen.

Ciidamada Ethiopia ee gaaray magaalada Jowhar, ayaan la ogayn in ay sii joogi doonaan Jowhar iyo in kale, iyagoo Jowhar ay beryihii ugu dambeeyay ahayd maamul la'aan kadib markii ciidamada maxkamadaha ay dhowr jeer galeen, kuwii dowladda ku meelgaarka ahna isaga baxeen.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin